Ceelmacaan (AGGM): Wararka laga hellayo deegaannka Ceelmacaan ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dad muruq-maala ah ay ku soo duntay kaawo ay qodayeen deegaannkaas, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo ku hoos jira kaawada soo duntay.
Qaar kamid ah dadka ku sugan deegaanka ceelmacaan ayaa xaqiijiyey in 4 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku hawlanaa qodida kaawada oo ay qatar badan kala kulmaan ay halkaa ku geeriyoodeen kadib markii uu ku soo dumay godkii ay ku hoos jireen.
”Afarta ruux waxaa ku dumay godkii ay ku jireen ama ay ka qodayeen kaawada, sidaa ayeeyna ku dhinteen, ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii muruq-maalka ee goobta ku sugnaa.
Dadka Kaawada qoda ayaa dhibaatooyin sidan oo kale ah la kulmay,waxaana marar badan dhacday in Kaawadu ay kusoo dunto kadibna ay noloshooda ku waayaan.
Dadka xoogsatada ah ee soo saara Jayga iyo dhagxaanta guryaha lagu dhiso ayaa sheegaya ineysan nolol maalmeed ku flan ka helin xirfadaasi oo qatarteeda leh.
Ma’aha oo markii ugu horeysay oo sidan oo kale ah dadka xoogsatada ah natooda ugu waayaan howlmaaleedkooda caadiga ah, waxaana xusid mudan in dhawaan sidan oo kale dad xoogsato ah oo kaawo ka qodayay dulleedka Muqdisho ugu soo duntay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com