Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xalay Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

0

11092012111139Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayadoo kulankaasina uu Madaxweynaha Odayaasha Dhaqanka uga dhageystay aragtidooda.

Kulankan uu xalay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyadoo ay ka soo qeybgaleen wasiirro xildhibaanno iyo taliyayaasha ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd sidii madaxweynaha Soomaaliya uu la tashiyo ula yeelan lahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee iyagu soo xulay mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna madaxweynuhu u sharaxay siyaasadda guud ee dowladda ee ku aadan dhismaha maamulada dalka, ammaanka iyo horumarrada la hiigsanayo.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin siyaasadda dowladda iyagoo soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan dhismaha maamullada gobolada dalka iyagoo ku boorriyay dowladda in la soo dedejiyo dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka.

‘’Waxaan rabnaa in la dhiso oo la soo dedejiyo maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka,  waxaan rabnaa in la taabageliyo Federaalka aad magaceeda wadataan, waxaan leenahay odayaasha dowladda iyagaa aabbe iyo Hooyo u ah,  waxeyna odayaashu uso gurmadeen in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, waxaan codsaneynaa inaan si wadajir ah uga shaqeyno ammaanka’’ Sidaasi waxa yiri qaar ka mid ah odayaashii Goobtaasi ka hadlay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir uu door ka qaatay qabsoomida kulankan,  isagoo amaanay dadaalka iyo wadaniyadda ay muujiyeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay in ay isku ilaaliyaan mas’uuliyiinta dowladda oo ay iyagu soo xuleen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo halkaasi ka hadlay ayaa fursad wanaagsan ku tilmaamay kulankan uu madaxweynuhu la qaatay odayaasha dhaqanka kuna dhageysanayo talooyinkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladu ku dadaaleyso iney maamullo KMG ah meel kasta ka sameeyso kuwaas oo sii hanta wixii talo ah oo deegaannadooda ah,  isagoo xusay in gobolada xorta ah laga sameeyay maamuladaasi, wuxuuna xusay in Baarlamanka uu ansixiyay sharciga maamulada dalka isagoo madaxweynuhu u sheegay odayaasha in dowladu tixgelineyso talooyinkooda.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo madaxweynuhu la yeesho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo iyagu kaalin weyn ku lahaa dhismaha dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com