Faahfaahin Qarixi Ka Dhacay Nawaaxiga Bacadlihi Hore Ee Xamar Weyne (Sawiro)

0

Muqdisho6Muqdisho(AGGM) Qaraxan oo ahaa mid xoogan waxaa la sheegay in lagu soo xirey gaari uu laha xildhibaan Soomaaliyeed,waxaana la sheegayaa in xildhibaankii gaarigaasi watey uu ka badbaaday Qaraxaasi balse uu ku dhintey hal ruux oo kale iyadoo uu dhaawac soo gaarey 7 ruux oo shacab ah.

Gaarigan oo ahaa nooca raaxada waxaa lahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabo Xildhibaan Shiikh Aadan Madeer,waxaana la xaqiijiyey inuu xildhibaanku shirqoolkaasi ka badbaaday balse uu haleelay dad shacab ah oo meeshaasi ka agdhawaa.

C/llaahi Sahal Gardhuub oo ah gudoomiyaha Degmada Xamarweyne ayaa daboolka ka qaaday inuu qaraxaasi ahaa mid culus isla markaasna ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo rayid ah,waxaana uu sheegay inuu ku geeriyooday hal ruux oo shacab ah,waxaana uu sheegay in xildhibaankii gaariga lahaa iyo mid kale oo la socdaa ka badbaadeen qaraxaasi.

Waxaana uu yiri Gardhuub ” Xildhibaankii iyo Xildhibaan kale oo la socday qaraxaasi lagu dili lahaa waa ka badbaadeen,waxaana ku dhaawacmay 7 ruux iyadoo hal ruux oo kale ku dhintey,waxaana weerarkaasi fulisay kooxda fuleyaasha ah ee shabaab,waxaanu ka qaadi doonaa talaabo adag ”.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo soo gaaray goobta ayaa labada xildhibaan goobta ka waday, iyadoo halkaas laga qaaday dhaawacyada dadkii qaraxa waxyeelada ka soo gaaray. waxaana dadkii dhaawac ahaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu daawanayo.

Ugu dambeyntii Meesha qaraxu ka dhacay oo ah laamiga wadada Via Egito ayaa halkaas waxaa ku yaala dukaamo lagu iibiyo dhismayaasha guryaha. Waxaana qaraxyada inta badan khasaare ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan,waxaana hadda ka hor muqdisho ka dhacay qaraxyo badan oo dad shacab ah ay ku halaageen kooxda Alshabaab.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

312-300x228

59-300x253120-300x237214-300x230