Dhageyso: Alshabaab Oo Sheegtey Dilka Taliyihi Sirdoonka Mareykanka Ee Beriga Afrika

0

abuu-muscabMuqdisho(AGGM)Afhayeenka Falaagada Alshabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo saxafad la hadlay ayaa shaaciyey inay dhawaan qarax ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa CIA-da mareykanka,waxaana uu Abu Muscab shaaciyey in sarkaalkaasi ku dhaawacmay Qaraxi dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka Alshabaab waxaa uu shaaciyey in qaraxaasi ahaa mid xoogan oo lala beegsaday ciidamada Amisom oo galbinayey sarkaalkaasi,waxaana uu sheegay in sarkaalkaas uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkaasi,waxaana uu daboolka ka qaaday in weerarkaasi ahaa mid ay hore u soo qorsheeyeen.

Sidoo kale waxa auu afhayeenka Alshabaab shaaciyey inuu dhaawacii soo gaaray sarkaalkaasi uu u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaarey weerarkii ismidaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada aadda dhinaca garoonka diyaaradaha,waxaana uu sheegay in sarkaalkaasi laba maalin ka hor dhaawacaasi uu dhintey.

Ugu dambeyntii Alshabaaab ayaa sheegtey dilida sarkaalkaasi balse ma jiraan wax xaqiijinaya in weerarkaasi uu ku dhaawacmay ama ku dhintey sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka mareykanka sidoo kale ma jiraan waxa wara dawada mareykanku ka soo saartey sheegashada Alshabaab ee dhimshada sarkaalkaasi.

[ca_audio url=”http://www.kalshaalenews.com/wp-content/uploads/2013/07/abuu-muscab-oo-ka-hadlaya-CIA-ladilay.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com