Baladweyne(AGGM) Ka dib qarax bam gacmeed ah oo xalay lala beegsaday meel dad shacab ahi ku sugnayeen xilligi afurradda ayaa la sheegayaa in ciidamada dawlada federaalka maanta ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 2o ruux oo laga soo qabqabtey xaafadaha magaalada Baladweyne kuwaasi oo shaki laga qabo.
Weerarka xalay ayaa mid bam gacmeed ah oo ay kooxo lagu tilmaamay qaswadayaal ku soo tuureen goob lagu afuriyey iyadoo la sheegay inay dhawr ruux dhaawacyo fudud ka soo gaareen,waxaana la aaminsan yahay in ciidamadda booliskii ay ku daba jiraan soo qabqabashada dadka lagu tuhunsan yahay qaraxaasi xalay.
Baaritaanada maanta ciidamada booliska ee magaalada Baladweyne sameeyeen ayaa la sheegay inay u suuro gashay inay gacanta ku soo dhigaan in ka badan 20 ruux kuwaasi oo laga soo qabqabtey xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne,waxaana lagu tuhunsan yahay inay qaarkood qayb ka yihiin falalka amaan darro ee Magaalada Baladweyne.
Sidoo kale waxaa la sheegay wali baaritaanadu socdaan isla markaasna dadka la soo qabqabtey intooda badan hadda ku jiraan xabsiga dhexe ee Magaalada Baladweyne halkaasi soo su,aalo dhawr ah lagu waydiinayo,waxaana saraakisha ciidamada dawladu sheegeen in cidi dambi lagu helo maxkamad la soo taagi doono.
Ugu dambeyntii ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa hawlgallo baahsan ka wada magaalada Baladweyne iyadoo hawlgaladaas lagu baacsanayo kooxaha falalka amaan darro ka wada Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana la sheegey in hawlgalkaasi sii socon doono ilaa maalmaha fooda inagu soo haya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com