Galkacayo(AGGM) Gudaha Magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa hadda lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa Hay’adda PDRC ee Xarunteeda Galkacayo,waxaana Sarkaalkaasi lagu magacaabi Jiray Cabdinaasir Dhooye,Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay masjid ku yaala Xaafada Garsoor.
Dilkan Marxuumkan ayaa la sheegay inay fuliyeen kooxo dhalinyarro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado kuwaasi oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihii faalagada Alshabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya degaanada dhulka Soomaaliya,waxaana la sheegaya inay baxsadeen markii ay dilkaasi fuliyeen.
Alle ha naxariistee dilkan sarkaalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihi la soo dhaafay Magaalada Galkacayo lagu toogtey sarkaal kale oo Maamulka Puntland u qaabilsanaa Doorashooyiinkii la hakiyey,kaasi oo aan wali si dhab ah loo aqoonsan cidda dilkiisa ka dambeysay.
Ugu dambeyntii dilkan caawa ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulka Puntland Magaalada Garoowe ku toogteen laba nin oo lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen dilkii Shiikh Cabdulqaadir Gacamay kuwaasi maanta meel fagaare ah lagu toogtey ka dib markii maxkamad xukuntey.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com