Qaar ka mid ah Qoysaskii ku barakacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose todobaadyadii la soo dhaafey ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo, Deegaannada ay gaareen waxaa kamid ah deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo, kuna taala xuduuda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaase sidoo kale jira dad iyaguna gaaray dhanka degmooyinka Bardheere iyo Ceelwaaq.
Masuuliiyinta deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo, kuna taala xuduuda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in Qoysas Barakacayaal ah oo tiradoodu ay gaareyso ilaa Afartan Qoys in ay soo gaareen maalmahii ugu dambeeyey deegaanka Geriley, kadib markii sida ay sheegeen Qoysaskaasi ay u adkeysan waayeen xaalado is biirsaday oo isugu jira waxyeelo ka soo gaartey dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Kismaayo iyo nolol xumo.
Guddoomiyaha Deegaanka Geriley Aarow Maxamuud Maxamed oo la hadlayey Warbaahinta Allgedo ayaa sheegay in degaanka ay soo gaareen ilaa 5 baabuur oo ay saaran yihiin dad ka badan ilaa 40 qoys oo ka soo barakacay Magaalada Kismaayo, ayna ka muuqato daal iyo diif, Isagoo sheegayna xilligan dadka deeganka in ay qabaan baahi xaga biyah ah.
Mana jiraan ayuu yiri ilaa iyo hadda cid gargaar bini, aadinimo u fidisey Qoysaskaasi ka barakacay guryahooda, isagoona sheegay Qoysaskani oo u badan Caruur,Haween iyo dad waayeel ah in ay bahi weyn u qabaan sidii looga saacidi lahaa xaga Cunada, Hoyga, Biyaha iyo Caafimaadka.
Xareedo Nuur waa hooyo dhashey ilaa 10 caruur waxayna ka soo barakacdey Xaafada Guullwade ee Magaalada Kismaayo waxayna Warbaahinta uga warbixisey sababahii ku kalifey in ay ka soo barakacdo gurigeeda, balse markii Geriley ay soo gaartey ayey sheegtay in aysan helin wax nolol ah.
Sidoo kale Deegaanada kale ee ay gaareen Qoysaska ka soo barakacaya kismaayo ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq,halkaasi oo todobaadkii ugu dambeeyey ay gaareen ilaa 6 baabuur oo ah noocyada Hoomeyda ayna la socdaan dad lagu qiyaasay ilaa 50 qoys, inkastoo Qoysaskaasi ay ku dhex milmeen eheladooda.
Maxamed Sheekh,
Garbahaarey-Somaliya.
Source: AOL
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com