Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaaalda Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in falaago beeleedka Raaskambooni ay iminka si xooga h kula wareegeen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa falaago beeleedka Raaskambooni in ay iminka Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo xoog kula wareegeen gudahiisana ay ku jiraan islamarkaana ay kala direen ilaaladi isbitaalka.
Dhinaca kale horjoogeyaasha falaago beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa ka amar diiday maleeshiyada hadda gudaha u gashay Isbitaalka oo laga baqayo inay ka geeystaan xasuuq ka dhan ah dadka aan ku heeybta ahayn falaagada Raaskambooni ee yaala isbitaalka.
Isku soo wada duuboo dilalka, dhaca, kufsiga ayaa waxa si xoowli ah uga socdaan gudaha magaalada Kismaayo, waxaan talada farahooda ay ka baxday horjoogeyaasha Raaskambooni oo aan maleeshiyadooda iminka ka amar qaadaneeyn.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com