War Deg Deg Ah: Falaago Beeleedka Raaskambooni Oo Caawa Weeraray Hotel Qiil-mawaaye.

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayan in falaago beeledka Raaskambooni ay weerareen Hotel Qiilmowaaye.

Waxaa caawa fiidki isqabsaday magaalada Kismaayo dhawaqa Rasaas xoogan oo lagu weeraray Hotel Qiilmawaaye ee gudaha magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay hub culus u adeegsadeen Hotel Qiilmowaaye kadib marki ilaalada Hotelka iyo iyaga ay isku dhaceen.

Hotel Qiilmowaaye ayaa waxa uu ahaa xarunta ama fariisinta beesha Harti halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo beeled ka tirsan beesha Harti.

Isku dhacan ayaa waxa uu yimid kadib markii qaar kamid ah falaago beeleedka Raaskambooni ay ku amreen maleeshiyo beeleedka Harti inay ka dagaan saraha ay saaran yihiin, maleeshiyada Harti ayaa marki ay ka dhago adeegeen ayaa maleeshiyada Raaskambooni waxaa ay ka soo weerareen jihooyin kala duwan.

Waxaa la soo sheegayaa in ilaa hadda in dhimashadu gaareeyso todoba ruux waloow ay dhici karto inay ka bataan ama ka yaraadaan.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn halka ay jaan iyo cirib dhigan doonto xaalada magaalada Kismaayo.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com