Muqdisho(AGGM) Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), isagoo bedelaya Taliyihii hore Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo xilkaas hayay mudadii ugu dheereyd.
Inkastoo wali aanay si rasmi ah dowladda Soomaaliya u shaacin magacaabista Taliyaha ayaa hadana warar ay heshay Jowhar.com oo ka soo xigatay ilo muhiim ah ay ku ogaatay in xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir loogu magacaabay Col. Maxamed Aadan Koofi.
Waa nin dhalinyaro ah isla markaana xirfadiisa ciidanimo ku soo qaatay dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Jabuuti, waxaana lagu yaqaanaa karti, firfircooni iyo daacadnimo sida dad ku dhow dhow ay sheegeen.
Koofi ayaa horay uga mid ahaa Maxkamadihii islaamiga, waxaa uu shantii sano ee u dambeeyay ka shaqeeyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ahaa Kuxigeenka Ilaalada gaarka ahaa Madaxtooyada, gaar ahaan Ilaaladii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Col. Koofi ayaa waxaa uu bare ka ahaa Jaamacado kala duwan oo dalka gudihiisa oo uu wax ku bartay, sidoo kale waxaa uu Shahaadada Master ku soo qaatay jaamacad ku taal Uganda oo uu ka diyaariyay Maamulka iyo Maareynta.
Taliyihii hore Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Ereg ayaa sababaha uu booskaas ku waayay lagu macneeyay habka awood qeybsiga, maadaama ay aad isugu dhow yihiin isaga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.
Mr Ereg ayaa ka bad baaday 14-kii bishii April ee sanadkan weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay nawaaxiga Ex Fiyoore, markii gaarigiisa lagu dhiftay gaari kale oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Tani ayaa qeyb ka noqoneysa is bedelka in dhawaalaba dowladda Soomaaliya ku sameyneysay Hey’adaha ammaanka dowladda, iyadoo horay u magacaawday Taliyeyaasha Booliska, Milateriga, Nabadsugida iyo Asluubta oo dhowaan la magacaabay.
Xigasho:Jowhar
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com