New York (AGGM): Dowladda Eriteria oo in muddo ah iska fogeyneysay in door ku lee dahay collaada ka jirta dalka Soomaaliya iyo in ay hubeyso kooxda Al-Shabaab, si meesha looga tuuro dowladda Somalia.
Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa xayiraad ku soo rogtay sannadkii 2009-ka, maadama ay dagaalka xilligaas ka socday dalka ku yaalla geeska Afrika ay door weyn ku lahayd.
Haddaba sannad kasta guddiga cunaqabateenta hubka ee saaran Eriteria iyo Somalia ayaa soo saara warbixin ay uga hadlayaan xaaladda Somalia.
Wakaalada wararka Reuters oo aragtay warbixintii u dambeesay ee guddigan uu soo saaro ayaa muujinaya sida dowladda Eriteria ay door ugu lee dahay xasillooni darida ka taagan dalka Somalia.
Sidoo kale guddigan ayaa ka digay xiriirka ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, waxaana guddiga uu ka dhawaajiyay in dowladda Eriteria ay xiriir hoos la lee dahay xubno siyaasiyiin kooxo qas-wadayaal ah.
Mid ka mid ah warbixinta guddiga dabgalka QM, ayaa lagu sheegay in Xukuumada Asmara ay xiriir dheer la lee dahay Cabdinuur Saciid oo loo yaqaano (Cabdi-Waal)
Sida lagu sheegay warbixinta guddiga Cabdi-Waal wuxuu xiriir toos ah uu la lee yahay taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Cabdi-Waal Waa Qof Noocee Ah?
Sida ay ku sifeeyeen gudiga QM Cabdi-Waal-Waa dagaal ooge ama qab-qablayaal dagaal.
Cabdi-Waal wuxuu xiriir dhow la lee yahay hoggaamiyaha kooxda isbaheesiga ARS oo lagu unkay magaalada Asmara, kooxdan waxaa madax u ah Sakariya Maxamed Xaaji Cabdi.
Sakariya sida lagu sheegay warbixinta, waxaa markii uu joogay Muqdishi ilaalin jiray ammaankiisa Cabdi-Waal iyo maleeshiyaad uu watay.
Sakariya waxaa la sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay u joogaan 100 dagaal yahan kuwaasoo dilal qorsheesan ka geestay magaalada.
Sidoo kale guddiga waxa ay warbixintooda ku sheegeen nin kale oo la sheegay in uu dhaqaalaha ka soo qaado dowladda Eriteria.
Ninkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Wali Sheekh Axmed Nuur, wuxu ninkan Al-Shabaab u qaabilsan isku xirka Eriteria iyo Al-Shabaab.
Muxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay Ugaas Maxamed Wali?
Wuxuu u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha, sida lagu sheegay warbixinta guddiga QM, waxa loo yaqaanaa Ugaas Maxamed Wali Sheekh, dhowr jeer magaalada Khartoum ee dalka Sudan uu kula kulmay danjiraha Eriteria u qaabilsan Sudan Maxamed Mantai tan iyo bishii September.
Sidoo kale Iran ay ku kulmeen labada nin balse wax faafin ma jirro.
Mantia waa Qof noocee ?
Mantia wuxuu horrey u ahaa madixii sirdoonka dalka Eritreia, wuxuu ka soo shaqeeyay dalka Soomaaliya, markii laga musaafuriyay dalka Kenya sannadkii 2009-ka, markii uu Soomaaliya ku laabtay wuxuu dhowr jeer la kulmay madaxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixinta guddiga dabagalka QM.
Warbixinta guddigan oo ka koobneed 500 oo beej, waxaana si wayn looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya iyo Eriteria, balse 80-beej oo kale si gaar ah looga hadlay faragalinta dowladda Eriteria ay ku heyso Somalia.
Warbixintan ugu dambeesay ee ka soo baxday guddiga cunaqabateenta Qaramada Midoobay ee Eriteria iyo Somalia xukuumada Asmara kama hadlin.
Warbixinta guddigan maxay ka sheegeen Baarista shidaalka Somalia?
Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka xayiraadda hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka digay in shidaal baaris shirkado Reer Galbeed ah ay ka wadaan deegaanno lagu muransan yahay oo ka tirsan Soomaaliya iyo khilaafka la xiriira cidda ay tahay inay ruqsad u goyso shirkadaha ayaa laga yaabaa in Soomaaliya uu u hor seedo dagaal hor leh.
Guddiga ayaa warbixinitii ugu dambeysay ee sanadlaha ah ee loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya uu awood badan u siinayo dowlad goboleedyada inay qandaraasyo shidaal baaris ah la galaan shirkadaha caalamiga ah.
Hase yeeshee xeer ku saabsan shidaal baarista dalka oo weli uusan baarlamaanka ansixin, kaas oo ay dabada ka riixayaan madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan Muqdisho ayaa oranaya in dowladda dhexe ay leedahay awoodda kaliya ee bixinta ruqsadda lagu soo saarayo khayraadka dabiiciga ah ee uu dalku leeyahay.
“Arrimahan iska hor imaanaya, haddii aan la xallin, waxaa laga yaabaa inay Soomaaliya u hor seedaan khalkhal dhinaca siyaasadda iyo ammaanka ah oo u dhaxeyn kara dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe,” khubarrada guddiga ayaa sidan ku sheegay warbixinta – oo wakaaladda wararka ee Reuters ay aragtay.
Darsanno shirkado baara saliidda oo ay ku jiraan kuwa caalami ah oo baara shidaalka ayaa ruqsad u haystay inay shidaal ka baaraan Soomaaliya muddadii ka horreysay 1991, balse tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya maamullada Somaliland iyo Puntland iyo maamullo kale ayaa ruqsad waxay u siiyeen shirkado kale inay shidaal baaris ku sameeyaan isla goobihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay ruqsadda u siisay shirkadaha inay shidaal ka baaraan.
Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa lagu sheegay warbixinta inay ruqsad u siiyeen shirkado caalami ah inay shidaal ka baaraan deegaanno ay labada maamul ku muransan yihiin. Khubarradu waxay sheegeen in shirkadaha Norwegian oil firm DNO (DNO.OL) iyo Africa Oil Corp (AOI.V) oo Canada ka diiwaan-gishan la siiyay qandaraasyada.
Warbixintu waxay sheegtay in baaritaannada shidaal ee ay u fulinayaan DNO iyo Africa Oil iyagoo ilaalo ka helaya ciidamada ammaanka ee maamulladaas iyo ilaalo gaar ah oo ay iyagu leeyihiin ay sababi karaan in colaad ay ka dhex dhalato Puntland iyo Somaliland.
Hase yeeshee, Bjorn Dale oo si ku-meel-gaar u ah maamulaha shirkadda DNO ayaa sheegay in shirkaddu aysan faraha la galeyn waxyaabo khatar gelin kara nabadda Somaliland.
Africa Oil ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin arrintan.
Ugu dambeen warbixinta ayaa lagu sheegay in waddamada Norway iyo Sweden ay iyaguna ku lug leeyihiin dadaallada baarista shidaalka Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com