Gudoomiye Ku Xigeenkii Magaalada Baydhabo Oo La Dhaawacay

0

14Kismaayo(AGGM) Maxamed Macalin Ibraahim Dhaladheere oo ahaa gudomiiye ku xigeenkii Magalaada Baydhabo ayaa la sheegaya in mar dhaweyd in lagu dhaawacay bartamaha magaalada Baydhabo,waxaana la xaqiijinayaan in xaaladiisa caafimaad tahay mid culus ka dib markii ay haleeshay dhawr xabo oo rasaas ahi.

Gudoomiye ku xigeenka Magaalada Baydhabo ayaa la xaqiijiyey inay dhaawaceen Askar ka tirsan ciidamada dawlada federaalka ah ee magaalada Baydhabo ku sugan,waxaana la sheegay inay haleeshay rasaas ay ku soo fureen,waxaana gudoomiye ku xigeenka loola cararay isbitaalka Magaalada Baydhao.

Maxamed Macalin Ibraahim ayaa la sheegay inuu ka soo laabtey Suuqa xoolaha Magaalada Baydhabo halkaasi oo ay ka socotey dhisme,waxaana la sheegay markii uu ka soo baxay halkaasi inay rasaas culus ku fureen ciidamo dawladda ka tirsan oo halkaasi ka agdhawaa,waxaana la sheegaya in rasaastaasi meelo halis ah ka haleeshay iyadoo rasaasta qaarkeed jirkiisa fariisatey.

Askartii falkaasi fulisay ayaa la sheegaya in ciidamada amaanka Magaalada Baydhabo ay gacanta ku soo dhigeen inkastoo la sheegayo in qaarkood baxsadeen iyadoo ciidamada amaanku la sheegayo inay ku daba jiraan soo qabashada askarta dilkaasi fulisay,waxaana sidoo kale la sheegaya in ciidamada Amisom baaritaano ka wadan magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii ujeedkan dhaawaca masuulkan ayaan wali si dhab ah loo ogeyn,waxaana la sheegaya inay askartaasi ayaa la aminsan yahay inay ka saluugsanayeen qaabka suuqaaasi wax uga socdaan,waxaana arrimahasi loo aaneynayaa inay askartaasi qayb ka yihiin ciidamada amaan darrada ka dhex wada  magaalada Baydhabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com