Dooni Xalay Ku Degtay Berbera Iyo Maamulka Dekadda Oo Ka hadlay Hawl-gal ay Fuliyeen

0

marka22Hargeysa(AGGM) Dooni yar oo la yidhaahdo Al-baxar oo laga leeyahay dalka Yeman ayaa xalay cawayskii ku degtay Marsadda Berbera, ka dib markii ay biyaha baddu galeen isla markaana dalooliyeen, sidaasna waxa shaaca ka qaaday Maareeye Ku xigeenka dekadda Berbera Cumar Abokor Jaamac.

Maareeye Ku xigeenka dekadda Berbera Cumar Abokor Jaamac oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu tilmaamay in lagu guulaystay hawl-gal ay sameeyeen hawl-wadeenadda dekaddu isla markaana lagu guulaystay in la bad-baadiyo shixnad sigaar ah oo ay doontaasi u qaadaysay dalka Yeman.

 

“Doontan oo la yidhaahdo Al-baxar lagana leeyahay dalka Yeman waxay degtay caawa (xalay) markii biyo u galay ay dalooliyeen, waxase nasiib wanaag ah inaanu ku guulaysanay hawl-gal ay ka qeyb qaateen shaqaalaha dekadda iyo ciidamadda Ammaanku oo aanu bad-baadinaya hawl-wadeenadii doonta iyo badeecaddii ku rarnaydba oo aanu wax khasaare ahi gaadhin,”ayuu yidhi Maareeye Ku xigeenku.
Cumar Abokor Jaamac waxa uu ammaanay ciidamaddii iyo shaqaalaha dekadda ee ka qeyb qaatay badbaadintii doontaasi.

 

Maareeye Ku xigeenku waxa uu xusay inay u jiideen doontaasi oo baaba’day barxadda la dhigo markaakiibta Iskaraabka ah.
Shixnadda sigaarka ah ee ay qaadaysay doonidaasi degtay ayaa la sheegay inay lahaayeen Ganacsato reer Somaliland ahi.

 

Dekadda Berbera ayaa xiligan la soo weriyay inay mashquul tahay oo ay taagan yihiin maraakiib badan oo iskugu jira kuwo sida badeecaddo kala duwan iyo kuwo xoolo nool ka qaadaya marsaddaba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com