Ciidamada Amisom Oo Qarax Maanta Kismaayo Maanta Lagula Eegtey

0

Soldiers, who are serving with the Kenyan Contingent of the African Union Mission in Somalia, patrol along a street as a commuter taxi passes by in KismayoKismaayo(AGGM) Ciidamada Amisom gaar ahaan ciidamada ka socda wadanka Siraliyoon ayaa maanta qarax miino oo xoogan gudaha Magaalada Kismaayo lagula eegtey waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dad shacab ah soo gaaray,waxaana la sheegayaa in qaraxaasi ahaa nooca dhulka la geliyo.

Qaraxan oo ahaa mid dhawaaqiisa laga wada maqlayey Magaalada Kismayaa ka dhacay Xaafada Dalcadda halkaasi oo ay marayeen ciidamada Amisom waxaana la sheegey in qaraxaasi lagu duugey dhulka isla markaasna markii ciidamada Amisom u soo dhaweyeen la qarxiyey.

Qaraxan waxaa khasaare ka soo gaaray dad shacab ah waxaana ku geeriyooday haweenay meesha ka agdhaweyd iyadoo ay dhaawacmeen dhawr ruux oo shacab ah kuwaasi oo loola cararay Isbitaalka Magaalada Kismaayo iyadoo qaarkood xaaladooda caafimaad tahay mid aad u liidata.

Sidoo kale qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada Amisom sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dhawr askari oo kale,waxaana rasaastii ay fureen ay ku geeriyootey haweeney soomaali ah iyadoo dhawr kale oo shacab ahi ku dhaawacmeen.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku wajahnayeen gudaha Magaalada Kismaayo isla markaasna ka yimaadeen dhinaca garoonka diyaaradaha oo ay farisiin ciidan ku leeyihiin,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi ay rasaas fureen taasi oo sababtey dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah.

Ugu dambeyntii qaraxyaddan ayaa ah kuwo dhibaato inta badan ka soo gaarto shacabka Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaan dhawr ruux oo shacab ahi ku waxyeeloobeen qarax noocan oo kale ah kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada Amisom,waxaana magaalada Kismaayo ku soo badanaya qaraxyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com