Mudqisho(AGGM) Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo booqasho shaqo maalintii labaad ku jooga Magaalada baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa kulamo lagu xaqiijinayo amniga la leh Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.
Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa booqashada uu ku joogo magaalada Baydhabo waxa ay la xiriirtaa sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladaha nabadgelyo iyo nolosha dadka ku nool magaaladaasi, isagoo kulamo la yeelanaya saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Baay.
Abaanduulaha ayaa kala hadli doona saraakiisha AMISOM sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee Gobollka Baay, maadaama ay dhawaan Ciidamada AMISOM la wareegeen fariisimihii ay banneeyeen Ciidamada Ethiopia oo gacan weyn ka geystay xureynta deegaanno ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool, iyagoo gacan ka helaya Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada fara ku tiriska ah oo ay kaga harsanyihiin labadaasi gobol.
Ugu dambeyntii abaanduulaha Cidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa la filayaa in marka uu soo gebagebeeyo kulamada uu la qaadanayo Saraakiisha AMISOM eek u sugan Baydhaba uu saxaafadda usoo bandhigo waxyaabaha kasoo baxay kulamadaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com