Muqdisho(AGGM) Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii ku aadanaa sharciga saxaafadda dalka meelmarintiisa lagu guuleystay islamarkaana la horgeyn doono gudiga saxaafadda ee baarlamaanka dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in sharcigan u jeedka loo sameeyay uu yahay in la dhowro xuquuqda ay leedahay saxaafadda dalka iyo in suxufiga uu ilaaliyo xuquuqda Warbaahintiisa ay ku leedahay iyo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xuquuqda dowladda iyo tan shacabka oo uu waxkasta u baahinayo ka eego dhanka wanaaga ah, islamarkaana uu ka fogaado waxkasta oo amniga wax u dhimaya, bulshadana dhibaato u keeni kara.
Wasiirka Warfaafinta, Boostadda, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan hay’adda Warbaahinta dalka ka howlgalla in muddo 45,cisho ah ay iska soo diiwangeliyaan Wasaaradda Warfafinta.
Ugu dambeyntii dhawaan ayay aheyd markii golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen sharciga Saxaafadda dallka, kaasi oo la qorsheynayo in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay uga doodaan sharcigaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com