Kismaayo(AGGM) Maamulka Madaxweyne Bare Hiiraale ayaa jawaab kulul ka bixeyey hadallo maalmahan Jabhadda Raaskambooni warbaahinta siiyeen kaasi oo ahaa in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu kulan la qaatey Saraakiil ka tirsan Alshabaab,waxaana Maamulka Bare Hiiraale sheegeen inaan warkaasi waxba ka jirin isla markaasna ay miciin bidayaan Jabhadda Raaskambooni oo awood ku raadsanaysa beenaha ay faafinayaan.
Afhayeenka Madaxweynaha Jubbaland Xasan Qaasiim oo la hadlay Saxafada isagoo ku sugan Tuulada Goobweyn oo 15 Km u jirta Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in hadaladaasi ay yihiin kuwo Jabhadda Raaskambooni miciin ka dhiganayan isla markaasna aysan waxba ka jirin.
Sidoo kale Xasan Qaasiim waxaa uu shaaciyey in Madaxweyne Bare Hiiraale ku sugan yahay Taliska ciidamadiisa oo ku yaala Magaalada Goobweyn waxaana uu sheegey inuu Ciidamadiisa ku dhex jiro isla markaasna aysan jirin wax ku khasbi kara inuu wada hadal la yeesho Alshabaab.
Sidoo kale waxaa uu Xasan Qaasim shaaciyey in Alshabaab iyo iyagu cadaw isku mid ah leeyihiin,waxaana uu ku tilmaamay in dalka Soomaliya lagaga soo duulay degaanada Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay,waxaana uu sheegey in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo shacabka Jubooyinku ay maalmaha soo socda Jabhadda Raaskambooni iyo ciidamada kiiniya ee dabada ka riixaya ay xoog uga saari doonaan Magaalada Kismayo.
Ugu dambeyntii Xasan Qaasiim ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Magaalada Kismaayo oo ay dhibaato xoogan ku hayaan Jabhadda Raaskambooni ay maqli doonaan war ay ku farxaan isla markaasna cadawga haysagta laga dul qaadi doono,waxaana uu sheegey inaysan Kismaayo ku sii jiri doonin gacanta ciidamada kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni mustaqbalka Dhaw.
Isha Ku Hay Allgalgaladuud
Allgalgaduud@gmail.com