Muqdisho(AGGM) Ciidamadii dawladda itoobiya ee ka baxay Magaalada Baydhabo ayaa la sheegaya inay u ruqaansadeen degaano ay hadda maamulaan Falaagada Alshabaab,waxaana la xaqiijinayaa inay degaanadda ciidamada itoobiya u ruqaansadeen ay ka jirto xaalad kacsanaan ahi.
Gudoomiyaha Degmada Bardaale oo saxafada la hadlay ayaa shaaciyey in ciidamada itoobiya hadda ku wajahan yihiin degaano hor leh oo ay shabaabku maamulaan isagoo shaaciyey inaysan sheegeyn degaanada ciidamadaasi ku wajahan yihiin,waxaana uu ku tilmaamay kaarto mileteri.
Dhinaca kale waxaa gudoomiyaha Degmada Bardaale oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Cara Case uu sheegey inay degmada Bardaale joogaan cutuybo ka tirsan ciidamada dawladda itoobiya,waxaana uu sheegey in ciidamadaasi qayb ka yihiin kuwa loogu tallo galay inay la dagaalamaan kooxda Alshabaab.
Masuulkan waxaa uu sheegey inay jiraan ciidamo dhinacooda ka baxaya isla markaasna ku wajahan dhinaca xaduudkooda,waxaana uu shaaciyey inay qaarkood sii joogayaan si ay gacan u siyaan ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya si ay uga awood roonadaan falaagada Alshabaab.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha degmada Bardaale waxaa uu amaan u jeediyey ciidamada dawlada itoobiya oo uu ku tilmaamay inay si wanaagsan tababar u siiyaan ciidamada dawladda degmada Bardaale,waxaana uu sheegey in ciidamadaasi ka caawiyaan dhinaca la dagaalanka Alshabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com