Ururka UDAD oo Xukuumada Puntland ku eedeeyey dagaalkii Qardho & Talo uu soo jeediyey [Warsaxafadeed]

0

udad_midnimoGaroowe(AGGM) Waxaa ururka UDAD isagoo aad iyo aad uga xun dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Qardho, kana tiiraanyaysan dilakii dhacay soo gudbinayaa arrimaha soo socda:

1. Hor iyo horraan waxaan tacsi u diraynaa dhammaan eheladii dadkii ka geeriyooday labada dhinacba, waxaana ilaaha uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Waxan kale oo u rajeynaynaa intii ku dhaawacantay inuu ilaahay u fududeeyo.

2. Waxaan halkan ka qiraynaa in masuuliyadda arrimahaas foosha xun ee dhacay ay dusha u ridanayaan maamulka imminka ka jira Puntland kaaso si fool xun ugu fashilmay hirgelinta hannaanka geeddi socodka dimoqraadiyaynta Puntland, qaab aad u xunna u maamulay.

3. Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa dadweynaha reer Puntland guud ahaan inay ilaaliyaan nabadda, xasiloonida , wada noolaashaha iyo deris wanaaggooda intaba.

4. Waxaan si cad uga horjeednaa in lagu noqdo maamulkii ku dhisnaa hab-beeleedka,
waxaanuna ku baaqaynaa in la turxaan bixiyo qaabkii loo waday hirgelinta hannaanka dimoqraadiyaynta , lana dhiso maamul cusub oo hannaankaas ku dhammaystira muddo
ugu badnaan laba sannadood ah.

5. Waxaan beesha caalamku ugu baaqaynaa inay u hiiliyaan rabitaanka shacabka Puntland ay ku doonayaan hirgelinta hannaan dimoqraadiyadeed oo xalaal oo u suurto gelin kara inay si xor ah doortaan hoggaankooda siyaasadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com