Hargeysa(AGGM) Dawladda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay dib u fasaxeen duulimaadyadii Qaramada Midoobey oo muddo labo bilood ka hor ay ka mamnuuceen Wadankooda. Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay dib u furaan duulimaadyada Hey’adaha Qaramada Midoobey
Waxaana uu yiri Wasiir Maxamuud Xaashi “15-kii bishii 5-aad baan xirnay duulimaadyada qaramada midoobey, labada bilood xayirnaaayeen, markii Qaramada Midoobey maamulkii hawada iyagoo aan nala tashan maamulkooda ku wareejiyeen walaalaha soomaaliya”.
Mar wax laga su,aalay waxa ku soo beegay go’aankooda dib u furida duulimaadyada ayuu sheegay in heshiiskii Istanbul uu qeyb ka ahaa in Maamulka hawada laga maamulo Hargeysa, gudiyo isku dhaf oo labada dhinac iyo Qaramada Midoobey ka howl galaan arrintaas.
Waxaana Wasiirku sii raaciyey hadalkiisa “Si niyad sami u bilowdo ayaa arrimahaas u garwaaqsanay, waxaa soo kordhay in heshiiskii Hawada ee anaga iyo Soomaaliya naga dhaxeeyay, in gudi joogto ah la sameeyo wada hadaladii Turkiga ayuu ahaa,waanuna soo dhaweyneynaa wada shaqeynta na dhexmartey dawlada Soomaaliya”.
Waxaa uu sheegay in Hey’adaha qaramada Midoobey ay howlo muhiim ka hayaan Somaliland, isagoo xusay in tallaabada ay dib ugu ogolaadeen duulimaadya ay saan saan fician u tahay bulshada Somaliland.
Mr Xaashi ayaa sheegay in gudiga saddex geesood ay si toos u howl geli doonaan sanadka 2014, marka si rasmi ah ugu soo wareego maamulka hawada Gacan Soomaaliyed,waxaana uu sheegay in talaabada geesinimadda leh ee ay qaaday dawlada federaalka soomaaliya ay si niyad wanaag ah u soo dhaweynayaan.
Ugu dambeyntii hadalkan ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland ayaa ku soo beegmaya, markii dhowaan gudiyo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ay ku saxiixeen heshiis saddex qodob magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waxaana lagu wadaa in bilaha soo socda ay mar kale labada wefti kulmaan siina wadaan wada hadaladda u dhexeya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com