Kismaayo(AGGM) Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay saacadihii la soo dhaafay laba jibaareen dhaca iyo boobka ay ku hayaan shacabka Gobolladda Jubooyinka gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degmada Kismaayo,waxaana la sheegaya inay saaka dhac u geysteen Nabadoon caan ah oo si weyn looga yaqaano gobolladda Jubooyinka.
Nabadoonkan dhaca loo geystey ayaa ah nin si weyn looga yaqaano isla markaasna lagu magacaabo Cali Dhega Cade,waxaana la sheegay inay saaka gurigiisa ugu galeen isla markaasna ay gaarigii uu lahaa ka xaysteen intii aysan isaga jirdilka u geysan,waxaana la xaqiijiyey inay dil baahsan u geysteen nabadoonkaasi.
Sidoo kale saaka waxay Jabhadda Raaskambooni baaritaano iyo dhac baahsan ka wadaan Xaafada VIA Af Madow,waxaana sidoo kale la xaqiijiyey inay duleedka Xaafada VIA Afmadow ku gubeen laba gaari oo nooca xamuulka ah oo dad shacab ahi lahayeen kuwaasi oo ay kue eedanayaan in qabiiladda kuwa dagaalamay kismaayo ay leeyihiin.
Dhinaca Sarkaal ka hadlay dhaca iyo jirdilka loo geystey Nabadoobkaasi oo hadda ku sugan jidaha dagaalka ee Nawaaxiga Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in taalabada ka socota Kismaayo ay sababi karto inay halkaasi ciidamada dawladu ka baxaan isla markaasna ehelkooda iyo shacabkooda ay difaacan dulaana ku qaadaan magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale sarkaalkan waxaa uu sheegey in dhib kasta oo ka dhaca kismaayo ay dusha u ridanayaan Axmed Madoobe iyo beeshiisu isla markaasn ay dhici karto in dhawaan Magaalada Kismaayo laga safeeyo maleeshiyaadka raaskmabooni taasina kalifto in dhibaatada ay shacabka u geysanayaan mid ka daran ku dhacdo beesha ay ka soo jeedaan Jabhadda Raaskambooni.
Ugu dambeyntii sarkaalkan waxaa uu baaq u diray dawlada federaalka ah isagoo ugu baaqay inay dawladu cadeyso mawqifkeeda ku aadan xaalada kismaayo ee arrimaha kiiniya,waxaana uu sheegey inaysan Raaskambooni kismaayo ku sii sugnaan karin saacado kooban hadii ciidamada kiiniya meel laga saaro.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com