Garoowe(AGGM) Sida ay goob joogayaal ku sugan Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar warbaahinta Allgalgaduud u xaqijinayaan xaalada Magaalada Qardho ayaa caawa ah mid xasiloon iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ka taagan Magaalada Qardho gudaheeda inkastoo ay jiraan kooxo hubeysan oo Magaalada Lagu arkayo.
Shacabka Magaalada Qardho oo gacan ka helaya kooxo hubeysan ayaa maanta dagaal qaraar kula galay ciidamada Maamulka Puntland gaar ahaan Guutadda 1-aad ee Kamandoosta,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray in kastoo uu dagaalkaasi ku geeriyooday Alle ah u naxariistee Col Cabdi Jaamac Cilmi (Cabdi Dhaqaf) oo ahaa taliyihii Guutadda 1-aad ee ciidamada Kamandooska Puntland.
Alle ha naxariiste Col Cabdi Dhaqaf ayaa la sheegayaa in kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeday doorashada Puntland ay dagaalkii maanta ku dileen,waxaana la sheegaya inuu u geeriyooday rasaas culus oo kaga dhacday qaarka sare ee jidhkiisa taasi oo sababtey in isagoo dhaawac ah loola cararay magaalada Garoowe balse uu jidka ku geeriyooday.
Sarkaalkan dhintey ayaa ahaa saraakiil dhawaan Ciidamada Midawga Yurub ee ku sugan Wadanka Uganda ay ku soo tababareen wadankaasi isla markaasna ahaa sarkaal khibrad badan oo dhinaca dagaalka ah ka soo bartey gudaha Wadanka Uganda,waxaana la sheegayaa in bilihi u dambeyey ahaa Taliyihii Guutadda 1-aad ee ciidamada Kamandooska Puntland,waxaana galabta maydkiisa lagu aasay Magaalada Garoowe.
Sidoo kale sarkaalkan ayaa u qaabilsanaa inuu sanaadiiqda doorashada gaarsiiyo degaanada Gobolka Karkaar isla markaasna masuul ka ahaa arrimaha amaanka ee goobahaa doorashooyinka puntland. Geerida sarkaalkan ayaa saameyn xoogan ku yeelanaysana Ciidamada Guutadda 1-aad ee Kamandoosta Puntland iyadoo la sheegay inuu sarkaalkaasi ahaaa nin aqoon buuxda u lahaa dhinaca ilaalinta amaanka.
Dhinaca kale xaalada Qardho inkastoo ay degan tahay haddana waxaa gudaha Magaalada Caawa lagu arkayaa dhallinyaro badan oo hubeysan kuwaasi oo la sheegayo inay ka soo horjeedaan arrimaha doorashada dawladaha ee degaanada Puntland,waxaana mar kale laga cabsi qabaa in ciidamada amaanka iyo kuwa Mucaaradka Puntland ay isku dhacan inkastoo waxgaradku arrintaasi xaliinteeda ku guda jiraan.
Ugu dambeyntii waxa arrintan walaac xoogan ka muujinaya Aqoonyahanadda Puntland iyadoo eedeyn dusha uga tuuraya Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ay ku tilmaameen inuu doonayo inuu burburiyo maamuladda ka jira degaanada Puntland isla markaasna uu rabo inuu dhibaato dhex dhigo shacabka Puntland ee walaalaha ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com