Wasaaradda Ganacsiga Oo Xarigga Ka Jartey Qorshe Maalgelin (sawiro)

0

DSC03782Muqdisho(AGGM) Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukumadda Soomaaliya  oo ka qeyb galay munaasabad cariga looga jarayey bandhig ay sameynaysay mid kamid ha shirkadaha maalgashiga kawada gudaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hadlay howlaha dib u dhiska iyo maalgashiga bulshada Somaliyeed ay kawadaan dalka.

Sidoo kale waxaa mada sha goob joog ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka badda Xildhibaanno iyo aqoonyahanno kale kuwaasi oo sheegey in talaabada ay qaaday shirkadan oo lagu magacaabo Nationwide iyo danuube ay tahay mid wax badan ku soo kordhin karta in bulshada Soomaaliyeed laga haqab tiro baahiyaha ay u aadi jireen dalka dibediisa.

Axmed Xasan Cali oo ah maamulaha xaruuntaasi ayaa sheegay in qorshahaani cusub uu ku soo kordhin karo dalka horumarka aad u wanaagsan, isagoo intaa ku daray in ay dhiirigelinayso shirkadaha kale ee danaynaya inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintii goobjooga ahayd oo ay ku jireen Xildhibaano iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka bada iyo dekedaha Maxaed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa ka waramay ahmiyada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay maal gashadaan dalkooda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay wax weyn ku soo kordhin doonto dalka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Axmed Xasan ayaa xariga ka jaray mashruucaasi maalgashiga ah, isagoo ku booriyey dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

DSC03673DSC03687DSC03688DSC03727DSC03745DSC03739DSC03746DSC03755DSC03767DSC03782DSC03790