Midawga Yurub Oo Wax U Qabanaya Caruurta Soomaaliyeed Ee Naqa Daridu Hayso

0

l-61-Hands-with-unicef-logoMuqdisho(AGGM) Midowga Yuruub ayaa sheegay in lacag dhan 4.5 Milyan oo Euro siinayo  hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF  si loo caawiyo Caruurta Soomaaliyeed ee la ildaran nafaqa darrida.

Warbixin ay soo saartay hey’ad Midowga Yurub u qaabilsan dhanka Bani’aadanimada ayaa lagu sheegay in 4.5 Milyan oo Uro oo u dhiganta in ka badan 5 Milyan oo Dolarka Mareykanka ah ay ugu yaboohayaan hey’ada UNICEF si loogu caawiyo caruurta Soomaaliyeed ee u geeriyooneysa nafaqo darida.

Hey’ada ayaa sheegatay in caruurta ku dhaqan Soomaaliya 14% oo u dhiganta 1;5 Milyan oo ah caruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka hooseeyso Shanta sano ay la ildaranyihiin nafaqo daro iyo xanuuno kala duwan oo shubanku ka mid yahay.

Warbixin ay soo saaratay hey’ada UNICEF ayaa lagu xusay in caruur Soomaaliyeed oo aad u farabadan ay xiligan la ildaranyihiin xanuuno kala duwan iyadoo beesha caalamka ka dalbatay gurmad deg deg ah oo lala soo gaaro caruurta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii gudaha soomaaliya waxaa ku dhibaateysan malaayiin caruur ah kuwaasi oo u bahaan in lahga caawiyo sidii nafaqa darrada haysaa wax looga qaban lahaa,waxaanay UNICEF shaacisay inay wax badan ka qabaneyso dhibaatada haysa caruurta soomaaliyeed ee la il daran nafaqo daradda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com