Kismaayo(AGGM) Saraakisha ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa shaaciyey inay maalmaha soo socda fooda galin doonaan magaalada kismaayo,waxaana ay sheegeen inay xoog kula wareegayaan,waxaana saraakishani shaaciyeen in dhibaato xoogan ka socoto magaalada kismaayo.
Col Maxamed Buule oo ka hadlay xaalada kismaayo ayaa sheegey inay gaadiid badan dhaceen Jabhadda Raaskambooni,waxaana uu sheegey inay qiimo jaban kaga iibinayaan ciidamada kiiniya isla markaasna loo dhoofiyo gudaha Kiiniya,waxaana uu sheegey inay xitaa inay qaadanayan sariirihii dadku ku jiifeen.
Dhinaca kale Col Maxamed Buule waxaa uu xusay inay ciidamada xoogga dalka ku samaynayaan isku shaandheyn isla markaasna hadda socoto baritaan ilaalinta xaquuqul aadanaha,waxaana uu sheegey inay doonayan inay kismaayo ciidamadaasi al tagaan dhaqan wanaagsan oo ah inay ilaaliyaan anshax wanaag ay shacabka kula dhaqmaa.
Col Buule waxaa uu daboolka ka qaaday inay ciidamada kiiniya kismaayo ka soo saareen isla markaasna ay iyagu la dagaalameen isagoo meesha ka saarey inaysan jirin ciidamo soomaali ah oo awood u sheegan kara isla markaasna xoog kaga saari karayey Magalaada Kismaayo,waxaana uu baaq u diray ciidamada kiiniya inay iskaga baxaan dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Col Buule waxaa uu shaaciyey inay si deg deg ah Kismaayo ugu laabanayaan isla markaasna ka sifeyn doonaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo laga soo daabulay Kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay,waxaana uu sheegey in dalka soomali leedahay isla markaasna aysan gumeysan karin dad tiro yar iyo dawlada kiiniya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com