Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale oo ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay warar saxafada soomaaliyeed qoreen oo ahayd in ciidamo ka tirsan ciidamadiisa isla markaasna ku sugnaa duleedka kismaayo ay u goosteen dhinaca kismaayo isla markaasna isu dhiibeen ku xigeenka Horjoogaha Raaskambooni.
Col Bare Hiiraale ayaa shaaciyey inaysan jirin wax ciidamo ah oo ka goostey ciidamadiisa isagoo sheegey inaysan jirin sabab ay isugu dhiibaan ciidamadda dawlada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana uu sheegey inay ciidamadiisu yihiin kuwo aan arrintaasi ka suuro gelin isla markaasna waxaa uu sheegey hadii ay jiraan inay saxafada u soo bandhigaan.
Col Bare Hiiraale waxaa uu arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah isla markaasna shacabka Gobollada Jubooyinka lagu marin habaabinayo,waxaana uu shaaciyey in arrimahaasi ay ku dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda jirintaanka dadka degaanada Jubooyinka iyo Gedo.
Waxaa uu madaxweyne Bare hiiraale isagoo idaacadaha Magaalada Muqdisho wareysisiinayey Maanta shaaciyey inaysan jirin hal askari oo ciidamadiisa tirsan isla markaasna Kismaayo tagay ama iska dhiibay,waxaana uu ku celceliyey in saxafadda loo soo bandhigo hadii ciidamo jiraan isla markaasna uu sheegey in warkaasi yahay been abuur.
Dhinaca kale waxaa uu Madaxweyne Bare Hiiraale sheegey in ciidamadiisu hadda diyaar u yihiin inay u jiheystaan dhinaca Magaalada Kismaayo isla markaasna xoog ku qabsadaan,waxaana uu sheegey in ciidamadiisu aysan niyadooda ku jirin inay cadaw soomaaliyeed isu dhiibaan.
Col Bare Aadan Shire waxaa uu ku celceliyey in kooxaha Saxafadu beenta iyo boronbagaandada iska dhaafaan isla markaasna u shaqeyaan qaabka saxafadu tahay,isagoo toos u dhalilay saxafada qaarkeed oo uu ku tilmaamay inay buun buuninayaan dad aan wax xilal ah ka hayn jabhadda Raaskambooni isagoo arrintaasi ku tilmaamay inay tahay ” Ey Laf Haysta Iyo Mid Dul Taagan ” oo uu ku tilmamaay inuu yahay waardiye.
Ugu dambeyntii Col Bare Hiraale waxaa uu mar kale ku celceliyey in ciidamadiisu diyaar u yihiin inay dib u soo celiyaan xorriyadii Shacabka Gobollada Jubooyinka isagoo shaaciyey inay hadda ku jiraan gumeysi isla markaasna u baahan yihiin in laga xoreeyo dawlada kiiniya iyo kooxaha falaagada ah ee ka soo duulay kilinka 5-aad iyo Gaarisa Gubaay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com