Kismaayo(AGGM) Adduunku waa hadhka labadiisa galin Maamulka Faroole waxaa uu si dhaqan xumo ah ugu tacadiyey dad masakiin ah oo ka soo jeeda kilinka 5-aad kuwaasi oo uu itoobiya u gacan galiyey kuwaasi oo ilaa iyo hadda aan qaarkood war laga hayn inay dhinteen iyo in kale.
Sidoo kale faroole waxaa uu si cad u sheegey inaysan Beesha Ogadeen ahayn Soomaali isla markaasna uu saxafadda toos ugu sheegey inaysan Soomaali ahayn isla markaasna yihiin Itoobiiyaan waa markii uu dantiisa ku gaarayey kuna gaaray. Balse haddana waxaad moodaa inuu ku socdo waddo ka duwan.
Waxaan idiin soo badhigi doonaan Video-gan oo uu ka hadlayo ninka soo jeeda Beesha Ogadeen kaasi oo ay si naxariis darro ah ciidamada daacada u ah Faroole ugu tacadiyeen,waxaadna ka dhageysan kartaa qaabka ay ula dhaqmeen ninkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa Jabhadda ONLF.
Xilligaas waxaa uu xilligii suuqyadda ugu wanaagsan ka socdeen Magaalooyinka Hargeysa Iyo Degaanada Puntland kuwaasi oo lagu kala iibsan jirey Soomaalida ka soo jeeda Kilinka 5-aad kuwaasi oo dawlada itoobiya looga bedelan jirey Rasaas iyo xoogga dhaqaale ah,waxaana arrintaasi tahay mid wali ka sii socota degaanadaasi oo waliba saxafada laga qarinayo qorsha uu socdo xilligan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com