Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa hambalyo u diray dhamaamba ummaddaha islaamka, gaar ahaana shucuubta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibadda. Isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan, isuna naxariistaan.
“Bisha Ramadaan waa bil ahmiyad weyn ugu fadhisa dadka Muslimiinta ah, waana bishii Quraankeenu soo degay, waa bisha kheyrka, waa bisha Sadaqada, waa bisha is cafinta iyo tanaasulka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ugu baaqay dadka wax heysta inay kaalmeeyaan dadka tabaaleysan.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa fursad u muujiyay dhalinyarada la qalday ee naftooda u haligaya kooxda nabadiidka ah ee Al shabaab, wuxuuna yiri.
“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada la qalday ee caadeystay inay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed sida gardarada ah, naftoodana haligaan inay ka tanaasulaan falalkaas foosha xun ee halista ku ah Qaranimada dalka Soomaaliyeed, dhankeena xukuumada waxaan u damaanad qaadeynaa inaan u abuurno fursado ay naftooda ku maareeyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in falalkan argagixiso aysan wax dan ah ugu jirin, naftooda, shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkaba.
Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u rajeeyey ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan nabad iyo caafimaad qab, sanadkan sanadkiisana aanu ku wada gaarno nabad, barwaaqo iyo Dawladnimo.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com