Ra'iisul Wasaaraha Oo Soo Gabagabeeyey Socdaalkiisii Baydhabo, Kana Warbixiyay Natiijada Safarkiisa.*Daawo Sawirada*

0

IMG_4355Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay, muddo labo cisho ahna howlo shaqo u joogay  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxa uu kulamo kala duwan la soo qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bay, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale saraakiisha ciidama nabad illaalinta ee AMISOM, wuxuuna dhanka kale xalay kulan ballaaran la qaatay odayaasha, waxgaradka iyo malaaqyada gobolada Bay iyo Bakool, isaga oo u gudbiyay aragtida dawladda ee dhanka maamul dhisida, iyo xasilinta goboladan.

Odayaasha iyo waxgaradka gobolada Bay iyo Bakool ayaa si buuxda u taageeray qorshaha dawladda ee maamulka iyo xasilinta, waxayna goobta ka balan qaadeen inay si buuxda u taageerayaan ulana shaqeynayaan dawladda iyo hogaankeeda, iyaga oo halkaasina ka soo jeediyay codsiyo kuwaasoo uu Ra’iisul Wasaaraha ka balan qaaday in loo fududeyn doono dhamaamba soo jeedinta odayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka kormeer ku tegay isbitaalka guud magaalada Baydhabo oo ay jiifaan bukaano kala duwan, halkaasoo ay ku sugnaayeen dhamaamba shaqaalaha, dhaqaatiirta iyo maamulka ibistaalka, wuxuuna mid mid u wareystay xaaladda bukaanadii jiifay ibitaalka, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyadani ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidanka dawladda.

“Runtii intii karaankayaga ah waan taakuleyn doonaa isbitaalka iyo bukaanada ku jira, waxaana ka caawin doonaa wixii agab daawo ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo la hadlay maamulka isbitaalka magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, intii aanu saaka ka soo dhoofin magaalada Baydhabo ayuu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka, gaar ahaana madaxda ururada bulshada rayidka, haweenka, iyo dhalinyarada wuxuuna kala hadlay adkeynta wada shaqeynta dawladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada ee ay shacabka gobolku u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho waxa uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu uu ku soo idlaaday guul iyo is faham, isla markaana uu kulamo la soo qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Bay iyo Bakool, ayna isla meel dhigeen dhamaamba qodobadii ay kala hadleen.

“Waxyaabaha mudan inaan hoosta ka xariiqo waxaa ka mid ah kulankii ballaarnaa ee aanu la yeelanay 62 Malaaqyada Digil iyo Mirifle ah, oo aan ku balanay wada shaqeyn iyo taageero” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka warbixinayay natiijada kulamadii Baydhabo, isaga oo xusay in sidoo kalena ay ka wada hadleen dhaqangelinta Federaaleynta iyo xasilinta dalka.

“Waxaa kaloon hoosta ka xariiqayaa kuna faraxsannahay iskaashiga ciidankeena Qaranka iyo ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM” ayuu mar kale yiri Ra’’iisul Wasaaraha.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safaro uu horay ugu kala bixiyay gobolada dalka, taasoo looga gol leeyahay isku xirka iyo iskaashiga bulshada iyo dawladda, waana istaraatiijiyada cusub ee dhowaan uu Ra’iisul Wasaaruhu kaga dhawaaqay Muqdisho.

IMG_4315 IMG_4306 IMG_4303 IMG_4226 IMG_4210 IMG_4193 IMG_4191 IMG_4171 IMG_4296 IMG_4294 IMG_4268 IMG_4256


IMG_4339
IMG_4326
IMG_4226 IMG_4344
IMG_4355

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office
Muqdisho, SomaliaIsha Ku Hay Allgagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com