Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxaya dalka Sudan, halkaasi oo Madaxweynaha uu kula kulmi doono dhiggiisa dalka Sudan.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka soconaya qabanqaabo loogu jiro sii sagootinta madaxweynaha iyo wafdigiisa oo saacadaha soo socda la filayo inuu u ambabaxo Magaalada Jubba ee caasimada dalka Koonfurta Sudan.
Madaxweynaha J.F.Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu wadahadal la yeesho dhiggiiso dalkaasi iyagoo ka wadahadli doona xoojinta xiriirka labada dal, iyo iskaashi dhinacyo badan.
Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu ku tago dalkaasi.waxaana lagu wadaa inuu halkaasi kula kulmo madax badan oo ka tirsan Maamulka dawlada Koonfurta Sudaan sidoo kale waxaa la qorshaynayaa inuu la kulmo Jaaliyadda iyo ganacsatada soomaaliyeed ee halkasi ku sugan.
Ugu dambeyntii waxaa lagu wada in booqashada Madaxweynuhu qaadan doonto mudo dhawr maalin ah isla markaasna uu halkaasi kulamo kula qaadan doono dhigiisa dalkaasi Salfakiir iyo wasiiro dawlada K/sudaan ka tirsan kana wada hadlaan sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com