Baydhabo (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Axmad Xasan, Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Adeegga Bulshada Maxamuud Macalin Yaxye, Xildhibaano, Saraakiil iyo Malaaqyo.
R/wasaare Saacid waxa uu si gaar ah ugu kuurgali doonaa ammaanka iyo howlaha la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab, Ra’iisul Wasaaruhu waxuu kulamo horudhac ah la qaatay saraakiisha ciidanka, Maamulka gobolka iyo odayaasha iyo waxgaradka iyo sidoo kale Malaaqyada gobolka.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safaro uu horay ugu kala bixiyay gobolada dalka Soomaaliya, taasoo uu ugu kuurgalayay xaaladdaha dhabta ah ee bulshada ku dhaqan gobolada, isla markaana shacabka loo gaarsiiyo qorshayaasha dawladda.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_031.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com