Dawladda Oo Soo Bandhigtey Maydka Mid Ka Mid ah Alshabaab Oo Askari Dilay ( Sawiro)

0

65Kismaayo(AGGM) Nin hubeysan oo ka tirsanaa Faalagada Alshabab ayaa shalay gabal dhaci degmada Yaaqshiid ku toogtey askari ka tirsanaa ciidamada Saldhiga degmadda Yaaqshiid,waxaana la sheegay in ninkaasi uu ku hubeysanaa Bistoolad ay caan ku yihiin falaagada Alshabaab.

Ninkan askariga toogashadda ku dilay ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu baxsado isla markaasna ciidamo ka tirsan kuwa saldhiga degmadda Yaaqshiid ku guuleysteen inay ka daba tagaan isla markaasna ay toogasho ku dilaan,waxaana la sheegay inay u fududaatey inay ninkaasi dilaan.

Ninkan ayaa maydkiisa lagu soo bandhigey gudaha degmada Yaaqshiid,waxaana la dul dhigay bistooladii uu dilka ku fuliyey,waxaana dhamaan dadka degmada Yaaqshiid ku dhaqan isugu yimaadeen saldhiga booliska degmada Yaaqshiid iyadoo ay halkaasi ku daawanayeen meydka ninkaasi.

Ugu dambeyntii taliyaha booliiska degmada Yaaqshiiid ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamada boolisku diyaar u yihiin inay toogasho ku dilaan cid kasta oo isku dayda inay dilaan dad shacab ah iyo ciidamada dawlada isla markaasna ay ciidamadu ay talaabo taas loo kale ah ka qaadi doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

456545748494