London (AGGM): Magaalada London waxaa xalay shir ballaaran ku yeeshay waxgaradka beesha Shiikhaal ee ku dhaqan magaalooyinka waddanka Ingiriiska, waxaana shirka oo ka dhacay xaafadda Wilsden Green looga hadlayey tacadiyadda dhanka bini’aadanimada ah ee ka dhacay magaalada Kismaayo, halkaasoo xuquuq ba’an loogu gaystay dad shicib ah oo aan waxba galabsan.
Drs. Canab C/qaadir Cabdi oo ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay shirkaasi oo saxaafadda la hadashay waxey sheegtay in ay Jaaliyaddaha beesha Shiikhaal ee waddanka Ingiriiska ay si weyn u cambaareynayaan xusuuqii isir-sifeynta ahaa ee ciidamada Kenya & maleeshiyooyinka Ururka Raaskambooni ka gaysteen Kismaayo, waxeyna ugu baaqday dowladda Soomaaliya & hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha in baaritaan lagu sameeyo shicibkii rayidka ahaa ee la xasuuqay.
“Jaaliyadda beesha Shiikhaal marnaba uma dulqaadan doonoto xasuuqa wuxuushnimada ah ee loo geystay shacabka birimageydada ah, waxaana cambaareynaa falalka ciidamada Kenya & kuwa Raaskambooniyiinta ah ka geysteen magaalada” ayeey tiri Drs. Canab C/qaadir Cabdi, waxeyna intaa ku dartay in ay nasiib darro tahay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qaban gumaadka loo gaystay shacab rayid ah, oo guryahoodii inta loogu yimid lagu xasuuqay. waxaana ay sheegtay in ay dowladda ugu baaqayaan in ay si degdeg baaritaan ugu sameyso wixii halkaasi ka dhacay.
“Beesha Shiikhaal waxey ka mid tahay beelaha ayidsan dowladda Soomaaliya, Madaxweyne Xassan Sheekh, R/wasaare Saacid & Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari maadaama ay u dhaarteen difaaca dalka & dadka, waa in ay tillaabo cad ka qaadaan gabood-falka loo geystay shacabka Kismaayo” ayeey tiri Drs. Canab oo sheegtay in xasuuqaasi ay geystay dad deegaano kale ka soo duulay.
“Beesha Shiikhaaleed waa beesha deegaanka ugu tira badan, waxeyna magaalada degan muddo qarniyaal ah, waa in iyada wax laga weydiiyaa, ee ma ahan in dad ka yimid Jig-Jiga & Puntland ay wax u yeeriyaan” ayeey tiri Drs. Canab C/qaadir.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com