Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gurigi labaad ee uu ka daganaa magaalada Kismaayo Col. Yaasiin Nuur Gaas ay hadda u dhaceen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayna ku socoto bililiqo baahsan.
Guriga labaad ee Col. Yaasiin Nuur Ugaas ayaa waxaa u dhacay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxa ayna ka qaateen lacago iyo dahab fara badan iyo agab kale oo yiilay guriga xili ay ku sugneed Marwo Dahabo Daahir Shidane oo ah xaaska Col. Yaasiin Nuur Gaas.
Waxaa horey sidaa oo kale loo bililiqeeystay guriga Xaaska kale ee Col Yaasiin Nuur Gaas iyo guriga ninka sheegta in uu yahay Madaxweeyn ku xigeenka Jubbaland Gen. Fartaag oo ay xaqiijisay xaskiisa Marwo Canbaro Giije. Halkan Guji Kana Dhagayso Marwo Canbaro Giije.
Dhawaahanba maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxaa si arxan dara ah uga wadeen magaalada Kismaayo bililiqo baahsan oo loo geeysanayay Hotelada, Hay’adaha, Shirkadaha iyo guryaha dadka rayidka ah ay leeyihiin ee ku abtirsada beesha Sade iyo beelaha Hawiye.
Isku soo wada duuboo dadka deegaanka ayaa waxa ay wacad ku mareen in Hotelada, Hay’adaha, Shirkadaha iyo gurayaha la bililiqeeystay loo bililiqeeysan doono sidoo kale kuwa dadka ku abtirsada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee deegaanada Jubbada Hoose.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com