Maxamed Aamiin Oo Cambaareyn U Jeediyey Faroole Dagaalada Uu Kismaayo Ka Wado

0

faroole1Muqdisho(AGGM) Siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa ka hadlay xaaladah cakiran ee gobollada Jubooyinka,waxaana ay sheegeen inuu masuuliyadeeda qaadayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole isla markaasna ku eedeyeen inuu dab ku shidayo goboladaasi.

Mohamed Aamin Cabdilaahi Cismaan oo ka mid ah Siyaasiiyiinta ka soo jeeda goboladaasi ayaa shaaciyey inuu Faroole si bareer ah ciidamo iyo diyaarado hub ah uga dejiyo degaanada Jubooyinka isla markaasna uu dab ku sii qabanayo xaaladaha cakiran ee ka taagan goboladaasi.

Sidoo kale waxaa uu Maxamed Amiin sheegey inuu Faroole uu hadda wado qorshe uu ciidamo ugu soo dirayo Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegey inuu hadda ka hor Ciidamo badan u direy kismaayo isla markaasna ku jabeeen dagaaladii kismaayo ka dhacay oo hadda dhaawacyadooda lagu daaweynayo degaanada Puntland.

Maxamed Amiin waxaa uu shaaciyey in ciidamada puntland dagaaladii dhawaan ka dhacay kismaayo ay ka qayb qaateen isla markaasna uu Farooel si bareer ah u tageerayo Jab hadda Raaskambooni uu ku tilmaamay argagiixiso,waxaana uu shaaciyey in talabadaasi tahay mid sharci darro ah.

Ugu dambeyntii waxaa uu Maxamed Aamiin shaaciyey inuu Faroole dhibaato xoogan kala kulmi doono arrimaha qalafsan ee uu faraha kula jiro isla markaasna ku aadan dhibaateynta shacabka soomaaliyeed ee gobolladda Jubooyinka,waxaana uu sheegey in lala xisaabtami doono xilli aan fogeyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com