Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo lagu xanto inuu yahay Aas-aasaha Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inuu xalay kulan saacado badan qaatey la qaatey hogaanka Jabhadda Raaskambooni,waxaana kulankaasi ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Maamulka Puntland ee Garoowe.
Faroole ayaa la sheegay inuu aad uga carooday kulamo uu dhawaan horjoogaha Raaskambooni la qaatey Masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Khaatumo ee waqooyiga Soomaaliya,waxaana la sheegayaa inuu Faroole digniin kulul u jeediyey horjoogaha Raaskambooni isla markaasna ku canaantey inuusan la kulmi karin mar dambe xubno ka socda Maamulka Khaatumo & qaar ka tirsan golaha samatabixinta Puntland.
Faroole ayaa ku wargeliyey Axmed Madoobe inuu ka goosanayo xiiriirka wanaagsan uu la leeyahay,waxaana uu ku goodiyey inuusan sii jiirin doonin xiriir ka dhaxeyn karaa isaga Iyo Axmed Madoobe hadii uu mar kale la kulmo cid ka soo horjeeda Maamulkiisa Puntland,waxaana la sheegay inuu Axmed Madoobe ka raali galiyey Madaxweyne Faroole talaabadaasi.
Horjoogaha Raaskambooni ayaa la sheegay inuu ku dooday inuu ka war halay xubno ka socda Maamulka Khatumo oo booqo ugu yimi Huteelka uu ka deganaa Magaalada Nairobi,waxaana uu ku dooday inuu sidaasi ula kulmay balse uusan wax balan qaad ah aysan soo siin oo ku aadan inay la kulamayaan,waxaana uu Axmed Madoobe dhawr jeer ku celceliyey inuu raali gelin ka bixinayo arrimahaasi.
Madaxweyne Faroole ayaa xanuunka xasaasiyadda ka qaba degaanada Khaatumo Iyo Gobollada Gedo Iyo Jubooyinka dadka dega,waxaana uu aaminsan yahay inay doonayaan inay ku fariistaan kursiigiisa sida ay u sheegto habar la sheegay inay u tahay fooxiso isla markaasna u fadhida Xarunta Madaxtooyada Puntland isla markaasna ka soo jeeda degaanada Puntland taasi oo ka taajirtey sidii ay been ugu akhrinaysay faroole isla markaasna u kala dileysay isaga iyo siyaasiinta soomaliyeed.
Ugu dambeyntii Faroole ayaa la sheegay inuu aad uga xumaaday maalmihi la soo dhaafay kulamo dhexmarey Maamulka Khaatumo iyo horjoogaha Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay xubnahaasi ka mid ahayeen Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Mudane Indho Sheel iyo rag sar sare oo ay ka mid ahayeen Masuuliyiinta Mamulka Khaatumo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com