Jowhar (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo tacadiyada Ciidamada Kenya ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya iyo joogitaankoodaba.
Qaar ka mid banaanbaxayaasha oo aad uqiireysnaa ayaa waxay ku dhawaaqayeen inay Ciidamada Kenya isaga baxaan dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobolka Sh/dhexe,Ardayda Iskuulaadka wax ka barta,ganacsatada,odayaasha dhaqanka,culimaa’udiinka,Haweenka iyo dhalinyarada ayaana ka qeyb galaya banaanbaxaasi.
Waxa si kulul ay uga hadlayaan tacadiyadii ugu dambeeyey ee Askarta Kenya ka geysatay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_028.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Wixii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com