Qalalaaso iyo isku dhacyo u dhaxeeya taageerayaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray Maxamed Mursi iyo ciidamada Milateriga ayaa ka taagan magaala madaxda Masar ee Qaahira, iyadoo tobanaan kun ay dhigayaan dibad baxyo ka dhan ah tallaabadii uu milateriga ku afgambiyay dowladda.
Sida ay sheegayaan rasaas ayaa laga maqlayaa goobaha isku dhacyada ku dhex mareen Ciidamada milateriga iyo taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin, iyadoo isku dhacyada ay ka dhacayaan meelo kale oo ka mid ah dalka.
Ilaa saddex ruux ayaa la soo wariyay inay isku dhacyada ku dhinteen halka tiro ka badan sodomeeyo ay ku dhaawacmeen, tirada dadka dhintay ayaa intaa ka badan, waxaana goobaha caafimaadka la geynayaa dhaawacyo badan.
Milateriga ayaa isticmaalaya gawaarida gaashaaman, waxaana dadkii shalay oo jimco aheyd isugu soo baxay dibad baxyada ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan tallaabada milateriga sameeyay.
Kumanaan taageerayaasha Morsi ah, ayaa isugu soo baxay Masaajidka Rabea Al- Adaweya ee magaalada Qaahira iyagoo garaacaya durbaano, waxa ayna wacad ku mareen inay u dhimanayaan taageerada Mr. Morsi.
Ciidamada Milateriga ayaa xabsiga dhigay Kheyrat Shadir oo ah ninka ugu taageerada badan ee Ururka Ikhwaanul Muslimiin, iyadoo xarigiisa ay ka dambeysay markii Milateriga ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay banaan baxyada lagu taageerayo Maxamed Mursi.
Ururka Midowga Afrika ayaa si KMG ah xubinada ururkaas uga saaray dalka Masar, kadib shir deg deg ah uu shalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa, Midowga Afrika ayaa sanadkii 2007-dii ku heshiiyay nidaamka dimoqraadiga dalalka Afrika, iyadoo tallaabada Milateriga uu ka soo horjeedo dimoqraadiyada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com