Ridwaan Xaaji “Dadkii Ku Dhaawacmay Kismaayo Dibadda Ayaa Loo Qaadayaa”.

0

Ridwaan_Xaaji_Cabdiweli-620x330Muqdisho (AGGM): Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah afhayeenka Ra’iisulwasaaraha  Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaan dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo xaaladoodana halista tahay in si deg deg ah loo qaadi doono.

Waxa uu sheegay in dhaawacyada la keenay Muqdisho iyo sidoo kale kuwa la geeyay magaalada Gaalkacyo ay wada qaadi doonaan, islamarkaana xaaladda ay xukuumada waxyaabo badan ka qabaneyso.

“Dadkii ku dhaawacmay Kismaayo ee halista ah dibadda ayaa loo qaadayaa, qof walba oo Soomaaliyeed xaq ayuu nagu leeyahay inaan wax u qabano taasina waa waajib ina saaran”

Dhawaan ayay ahayd marki dadki ku dhawaacmay dagaaladi magaalada Kismaayo loo kala qaaday Muqdisho iyo Gaalkacyo dadkaas dhaawaca ahaa ayaa badi xaaladooda waxa ay ahayd mid halis ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com