Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Barlamaanka Iyo Xubno La Socda Oo London Gaaray (sawiro)

0

Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-16Muqdisho(AGGM) Wafdi sare oo ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saakay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada London ee dalka Britain.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Heathrow Airport ee magaalada London kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Britain iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London kuwaasi oo iyagu aad ugu faraxsan socdaalka Wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ay ku tageen dalka Ingiriiska.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Dowladda Britain martiqaadka iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen Wafdiga uu hogaaminayo,sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Lodon sida ay iyana uga qeyb qaateen soo dhaweynta Wafdigan.

Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka ayaa socdaalkan shaqo ee ay ku joogaan dalka Britain uu ka dambeeyey kadib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen Madaxda Boqortooyada Ingiriiska waxaana inta ay joogaan magaalada Lodon la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Dowladda Britain iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.

Wafdigan oo noqonaya wafdigii u sareeyey ee ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo socdaal rasmi ah ku taga dalka Ingiriiska tan iyo intii dalka uu ka baxay KMGka ka mid ah Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha,Arrimaha Bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaan C/kaafi Macalin Aadan,Xildhibaanad Sacdiyo Cumar Sheegoow,Xildhibaan C/laahi Xasan Fadhaye iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-1Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-2Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-4Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-5Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-7Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-8Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-4 Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-8Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-16Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon-7