Ciidamada Kiiniya Oo Maanta Dulaan Kula Wareegay Goobweyn

0

Ciidanka-kenyKismaayo(AGGM) Ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay maanta dagaal qorsheysan ku qaaadeen Tuulada Goobweyn oo ku taala Duleedka Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ku sugnayeen ciidamadii degaanka ee dhawaan laga saarey Magaalada Kismaayo.

Ciidamada kiiniya ayaa la sheegaya inuu mawqifkooda uu cad yahay isla markaasna ay doonayaan inay gumeysi galiyaan gobolladda Jubooyinka oo hadda gacanta ugu jira,waxaana la sheegayaa inay ciidamadaasi maanta doonayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada degaanka iyo kuwa dawlada oo halkasi ku sugnaa.

Ciidamada dawlada federaalka ah iyo kuwa degaanka ayaa la sheegay inay ka war heleen weerarkaasi isla markaasna ay halkaasi ka baxeen,waxaana la aminsan yahay inay ciidamadii dawladu hadda ku sugan yihiin duleedka Kismaayo ka dib markii ay soo daba marteeyeen ciidamadii kiiniya ee halkaasi ku dhaqaaqay.

Saraakiil ciidamada dawladda u hadlay oo sheegey in weerarkaasi ay ka war hayeen ayaa daaha ka qaaday inay halkaasi ka baxeen isla markaasna hadda dhinaca Magaalada kismaayo ka soo xigaan tuuladda Goobweyn ayna soo daba marteeyeen ciidamadii kiiniya,waxaana saraakishu sheegeen in hadafka ciidamada kiiniya yahay inay xalaaleystaan degaanadaasi.

Ugu dambeyntii ciidamada kiiniya ayaa maanta la ogaadey in qorshahoodu yahay inay gumeysi hor leh galiyaan Gobollada Jubooyinka iyagoo hore gumeysi, xasuuq iyo kufsi baahsan ka waday Degaanada waqooyi beri ee Soomaalida halkaasi oo ay ku hayaan dhibaato lixaad leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com