Xog Dhab Ah:Ciidamo Burundi,Uganda,Jabuti Iyo Siraliyoon Oo Kismaayo La Geynayo Maalmaha Soo Socda

0

amisom-milateriMuqdisho (AGGM) Ururka Midawga Afrika ayaa daboolka ka qaaday in Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ay geynayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda wadamo kala duwan isla markaasna ay gacan ka geysanayan inay damiyaan xiisadaha ka taagan Magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxda dalka soomaliya iyo shacabka soomaaliyeed daaha ka qaadeen inaysan rabin ciidamada dalka kiiniya isla markaasna lagu eedeyey inay qayb ka qaateen dagaalo culus oo ka dhacay Magaalada kismaayo kuwaasi oo looga saarey ciidamadii dawlada federaalka ah tageersanaa.

Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Mohamed Annadif Salah oo dhowaan si gaar gaar ah Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay arrimo badan oo muhiim ah, gaar ahaan arrinta ka taagan Kismaayo.
War ay qortay Wakaalada wararka ee Xinhua ee dalka Shiinaha ayaa xustay in kulankii madaxda dowladda iyo Mr Annadif ay isla garteen in ciidamo ka socda dhowr dal la geeyo Kismaayo, si loo dhameeyo dhibaaatada ka taagan magaalada.

Ciidamada la geyn doono Kismaayo ayaa la sheegay inay ka imaan doonaan dalalka Uganda, Brundi, Jabuuti iyo Seiira Leone oo ah dalalka iminka xubinta buuxda ka ah dallada AMISOM, waxaana ciidamadaas ay la shaqeyn doonaan ciidamada dowladda sida howhooda tahay.

Mr Annadif waxaa uu yiri “Dhamaan qaybaha AMSIOM waxay u shaqeyn doonaan sida ay howshooda tahay oo ah ineey la shaqeeyaan doowlada Federaalka iyo Ciidamadeeda, waana taas mida keentay inaan go’aankan gaarno,haddana waa socdaa qorshihii lagu geyn laaha Magaalada kismaayo ciidamo wadamo kala duwan ka socda”
Warqad dhowaan sir aheyd oo si qaldan uga baxday Wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa muujineysay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo warqadaas ay ku socotay Midowga Afrika, kana dhan aheyd dowladda Kenya.

Ugu dambeyntii nKenya ayaa abaabuleysa maamul dhulka Soomaaliya laga hirgeliyo oo iyada hoos tagta, iyadoo u mareyso siyaasiyiin ay jaal la tahay, waana shakiga keenay dagaalkii dhowaan ka dhacay Kismaayo oo ay ku lug laheyd,waxaana dawladda federaalka ee soomaaliya ku guuleysatey in la keeno ciidamo kale oo isku dhaf ah laguna bedelo kuwa dawlada Kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com