Gudaha Kiiniya Oo Laga Soo AFduubay Dad Aad U Tiro Badan

0

farKismaayo(AGGM)  Koox si aad ah u hubeysan ayaa la sheegayaa inay gudaha u galeen dalka Kiiniya isla markaasna gacanta ku soo dhigeen Sarakiil ka tirsan dawlada kiiniya iyo Dad la aamisan yahay inay dawlada kiiniya u shaqeeyaan,dhamaan dadkaasi oo isugu jira saraakiil iyo  dareejooyin kale ayaa la aaminsan yahay in lala soo galay dhinaca Soomaaliya.

Kooxaha Dableyda ah ayaa la sheegay inay afduubkaasi ak geysteen duleedka Magaalada Gaarisa gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Hullugo,waxaana la sheegayaa in dadkaasi dhamaantood loo kaxeystey dhinaca gudaha soomaaliya halkaasi oo lagu wado inay hadda ku sugan yihiin.

Kooxaha  afduubtay ayaa la sheeagy in wajiyadu ay u xirnaayeen Kadibna ay wadada u galeen baabuur Bas ah oo ay la socdeen laba Sarkaal oo ka yimaaday magaalada Masalani una socday magaalada Hullugu saacada kadibna waxa ay isla wadadaasi ku qafaasheen Baabuur bas ah  oo ka yimid Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kooxda afduubkaasi fulisay ayaa la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab oo dagaalo culus kula jira ciidamada dawlada soomaliya iyo kuwa Amisom ee ay ciidamada kiiniya qaybta ka yihiin,waxaana la sheegaya in dhamaan dadkaasi loola talaabaay gudaha soomaliya.

Ciidamada kiiniya ayaa la sheegaya inay awood u wayeen ay kaga daba tagaan dadkaasi isla markaasna aan sameyn wax dhaqaaq ah oo ay ku baadi goobayaan gaadiidka iyo dadkaasi la afduubay,waxaana la aaminsan yahay in dhamaan dadkaasi yihiin soomaali marka laga reebo kooxo dhawr sarkaal oo ka tirsan ciidamada dalka kiiniya isla markaasna gumeysiga ku haya shacabka Waqooyi bari ee dalka kiiniya.

Tiradda dadkan ayaa la sheegayaa inay gaarayso 40 ruux kuwaasi oo intooda badan la sheegaya dawlada kiiniya,sidoo kalena waxaa la sheegayaa inay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulada degaanada waqooyi beri ee dalka kiiniya kuwaasi oo la sheegay inay ku sii jeedeen Magaalada Nairobi.

Ugu dambeyntii Maahan markii ugu horeysay ee duleedka Magaalada Gaarisa laga afduubo Masuuliyiin ka tirsan dawlada kiiniya,waxaana hadda ka hor ciidamada kiiniya saraakil ka tirsan ka soo afduubay gudaha dalkaasi kooxda Alshabaab oo iyadu inta badan weeraro ka geysta gudaha Kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com