WHO "71 Qof Ayaa Ku Dhintay 300-na Waa Ku Dhaawacmeen Dagaalkii Magaalada Kismaayo".

0

worldhealthorganizationUrurka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa warbixin uu maanta soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen, in kabadan 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

WHO waxa ay ku sheegtay warbixinteeda in dagaallada ka dhacay magaalo xeebeedka Kismaayo ay sababeen in dad badan ay ka barakacaan guryahooda, ayna sii kordheyso saameynta dagaalladaasi ay ku yeelanayaan dadka rayidka iyo hay’adaha gargaarka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in dhibbanayaasha badankood ay ka cabanayaan dhaawacyo ka soo gaaray madaxa iyo xabadka, 40 ka mid ah dhibbanayaasha ayaa qalliin lagu sameeyay sida ay sheegtay WHO.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa iminka ah mid xasilloon kaddib markii dhowaan lagu dagaallamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com