Kismaayo(AGGM) Taliiska Ciidamada Maamulka Jubbaland ee duleedka Magaalada kismaayo waxaa saacadihii la soo dhaafay gaareyey ciidamo ka soo goosanaya Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi ay ahayeen ciidamo hore uga tirsnaaan jirey Falaagada Raaskambooni.
Ciidamadan saaka iska dhiibay xeradda taliska ciidamada Maamulka Jubaland ee uu hogaanka u hayo Madaxweyen Bare Hiiraale ayaa la sheegayaa inay tiradoodu kor u dhaafaysay in ka badan 80 askari oo ka soo jeeda Degaanadda Jubooyinka,waxaana la sheegaya in ciidamadaasi ay u dul qaadan waayeen hab dhaqanka Kooxda Raaskambooni.
Ciidamadan oo u hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Col Yuusuf Nuur ayaa la shaacinayaa inay ka soo jeedaan Degaanada Jubooyinka,waxaana la xaqiijinaya in markii ay saaka ka baxeen furimaha ay ku jireen ee gudaha kismaayo ay dagaal la galeen ciidamada kiiniya.
Dagaalkan dhexmarey ciidamadan iyo kuwa Kiiniyaa la sheegayaa inu yimid ka dib markii ciidamada kiiniya damceen inay ku sameeyaan hor istaag balse ay arrintaasi gashaanka u daruureen,waxaana la sheegayaa inay dhexmartey is rasaaseyn xoogan oo labada dhinac dhexmartey walow markii dambe ciidamadaasi ku guuleysteen inay gaaraan duleedka Magaalada kismaayo gaar ahaan degaanka Beerxaani meel ka sokeysa.
Ciidamada waxa si diiran u soo dhaweyey dadka degaanka,waxaana maanta halkaasi loogu sameynayaan xoolo qalis iyadoo uu halkaasi khudbad dheer uga jeediyey Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire oo halkaasi ku sugan,waxaana wararku sheegayaan inay shalay ciidamo kale oo tiradooda lagu sheegay 69 askari iska dhiibeen xeradaasi.
Ugu dambeyntii ciidamadan ayaa la sheegay inay degaanka ka soo jeedaan isla markaasna u adkeysan waayeen gabood falka ciidamada kiiniya ka wadaan gudaha Kismaayo,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi ay sheegeen inaysan sii fiirsan karin arrimaha jabhadda raaskambooni ka wadaan gudaha Kismaayo taasi oo keentey inay ka soo baxaan kooxdaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com