Ceelwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelwaaq iyo deegaanada u dhwo dhow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ee ku sugan Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda ay dadka deegaanka u diideen inay biyo ka dhaansadaan ceelasha biyaha.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ceelasha biyaha magaalada Ceelwaaq iyo deegaanada ku dhow dhow dadka deegaanka ay dhigeen ciidamo ka ilaaliya ciidamada Kenya inay biyo ka dhaansadaan amaba u soo dhawaadaan ceelasha biyaha.
Ciidamada dadka deegaanka Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay shalay is hor taageen in ciidamada Kenya ee ku sugan magaaladaasi iyo deegaanada ku dhow dhow biyo looga dhaamiyo ceelashooda biyaha kadib iyaga oo ku eedeeyay ciidamada Kenya inay xasuuq ka geeysteen magaalada Kismaayo oo ay laayeen dad Soomaaliyeed sidaa awgeedna aysan biyo ka cabi karin dhulka Soomaaliyeed.
Waxaa lagu wargaliyay sarkaalki hogaaminayay ciidamada Kenya in aan biyo la siinayn islamarkaana uu ciidamadiisa kala baxo gobolka Gedo iyo dalka Soomaaliya oo dhan.
Ciidamada Kenya ayaa waxa ay isaga haluuleen iyaga oo aan ka helin wax biyo ah ceelasha magaalada Ceelwaaq iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Gedo.
Isku soo wada duuboo waxaa laga cabsi qabaa in gabi ahaan qeeybo ka mid ah deegaanada gobolka Gedo ee ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ay wada qaataan go’aanka reer Ceelwaaq oo kale iyo weliba in xataa ciidamada Kenya ay ganacsata heeysta baqaarada iyo dukaamada diidaan inay raashinka ama adeega guud ee ay doonayaan ka iibiyaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com