Caabudwaaq(AGGM) Maanta Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeedo ciidamada kiiniya ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo,waxaana shacabka Magaalada Caabudwaaq muujiyeen sida ay uga xun yihiin xasuuqii Kiiniya ka geysatey Magaalada Kismaayo.
Boqolaal ka mid ah dadka degmada Caabudwaaq ku nool ayaa maanta isugu yimi faras magaalaha Magaalada Caabudwaaq,waxaana dadkaasi weheliyey masuuliyiinta Maamulka Degmadda Caabudwaq ee gobolka galgaduud,waxaana dadkaasi muujiyeen inaysan raali ka ahayn talaabadii dhawaan ay qaadeen ciidamada kiiniya ee dadka badan lagu xasuuqay.
Shacabkan maanta banaan baxay ayaa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah wax uga qabato xasuuqi dhawaan dalka ay ka geysteen ciidamada kiiniya,waxaana shacabku ugu baaqeen inay dawladu shaaciso mawqifkeeda ku aadan arrimaha kismaayo,waxaana shacabku ku doodayaan in dawlada kiiniya dooneyso inay la wareegto gobollada jubooyinka.
Banaanbaxan ayaa imaanaya xilli ciidamada kiiniya oo taageeraya kuwa Jabhadda Raaskambooni ay xasuuq ba,an u geysteen shacab oo ku dhaqnaa Magaalada kismaayo kuwaasi oo ay ku garaaceen madaafiic kala duwan,waxaana banaan baxayaashu sheegeen in dawlada kiiniya danno gaar ah ka leedahay gobollada jubooyinka iyo Gedo.
Sidoo kale banaan baxayaasha ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay calanka dalka kiiniya,waxana ay ku baaqayeen in shacabka soomaaliyeed ka midoobaan gumeysiga,waxaana ay sheegeen inaysan u dul qaadan doonin in dalka soomaaliya dib loogu celiyo gumeysi cusub.
Ugu dambeyntii waxaa banaan baxani qayb ka ahaa banaan baxyo dhawaan ka dhacayey gobollada dalka soomaliya waxaana banaan baxyadani yihiin kuwo shacabka soomaaliyeed ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin hawlgaladda ciidamada Kiiniya ka wadaan gudaha dalka soomaaliya isla markaasna shacabka soomaaliyeed ku bartilmaameedsanayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com