Garbahaarey (AGGM): Dibad-bax ama bannaan-bax aad u weyn oo looga soo horjeedo ciidamada Kenya iyo tacadiyadii ay dhawaan ka geysteen magaalada Kismaayo ayaa ka dhacay isla magaaladaas Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo.
Dibad-baxaan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururada bulshada rayidka ayaa waxaa isagu soo baxay kummannaan dadweyna ah oo aad u careysan, kuwaasoo dhammaantood ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku diidan yihiin Ciidamada Kenya, waxaanna ay dareenkooda ku muujinayeen sida aanay marnaba raali oga ahayn Gaboodfallada ay ku kaceen ciidamada cadawga ah ee Kenya iyo inay waliba beel gaar ah la saftaan oo ay beelaha soomaaliyeed kala xigsadaan.
Waxaanna Bannaan-baxaan ugu horeyntiiba ka hadley Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo qaar kale oo kamid ah musuuliyiinta Dawladda ee Gobalka gedo, waxaa sidoo kale halkaas ka hadley nabaddoono, cuqey, waxgarad iyo qaar badan oo kamid ah dadweynaha magaalada Garbahaarey, waxaanna ay dhammaantood si xammaasad leh oga hadleen mowqifkooda ku wajahan tacaddiyada ay ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka soomaaliyeed.
Gebaba-gabaddii Dibadbaxaan ballaaran ayaa dhammaan dadweynihii ka soo qayb galey waxaa ay isku raaceen oo ay qalinka ku duugeen in ay la dagaalami doonaan ciidamada Kenya, waxaanna ay cod buuxa ku yiraahdeen: DOONIMAYNO GUMEYSI EE KENYA HANAGA BAXDO!
Daahir. F. Afdheere
Email. gulaan1969@yahoo.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com