Col Cabaas Oo Xorriyadiisa Helay Kuna Soo Wajahan Magaalada Kismaayo

0

ABASKismaayo(AGGM)  Abaanduulihi ciidamada xooga dalka ee gobollada Jubooyinka Jeneral Cabaas Cismaan Guray ayaa soo gaarey Gobolka Gedo gaar ahaan Degaanka Busaar,waxaana la sheegayaa in isaga iyo ciidamadiisu xalay u soo gudbeen degaanka Degmada Ceelwaaq,waxaana la sheegayaa inay ku soo wajahan yihiin dhinaca gobollada Jubooyinka isla markaasna uu doonayo inuu ciidamadiisi ku sugan Gobollada Jubooyinka.

Jeneraal Cabaas waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey ciidamada Kiiniya,waxaan uu sheegey in ciidamada Kiiniya weerar ku qaadeen ciidamadii dawlada federaalka ka ah ee gobolka Jubadda Hoose,Waxaana uu sheegey inay talabadaasi tahay mid qaynuunka ka baxsan isla markaasna dawlada kiiniya ay si bareer ah u dishay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Jeneraal Cabaas waxa u sheegey inuu Xoriyadiisa dib u helay isla markaasna aysan wax wada hadal ahi dhex marin isaga iyo ciidamada dawlada kiiniya,waxaana uu sheegey inay markii dambe u soo duuliyeen Degaanka Busaar oo ciidamadiisu joogaan,waxaana uu sheegey inuu hadda wado qorshe uu ciidamada gobolka Gedo iyo jubooyinka u ugu kaxayn doono gobolka Jubadda Hoose.

Jeneral Cabaas waxaa uu sheegey in Caalamka oo dhan laga wada og yahay dhaqamadda ciidamada kiiniya,waxaana uu sheegey inay talaabo adag dawlada federaalka ah iyo Qaramada midoobay ka qadayaan isla markaasna dambiyyadii ay galeen  laga hayo cadeymo muujiniya inay dagaal xoogan la galeen ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wali waxaa duleedka Magaalada kismaayo ku sugan ciidamada dawlada federaalka ee goboladda Jubooyinka kuwaasi oo shalay ciidamada kiiniya oo ay ka soo saareen Magaalada kismaayo isagoo gacan siinaya kuwa jabhadda Raaskambooni,waxaana dagaalkaasi ahaas mid culus oo xitaa duqeymo xoogan loogu geystey duleedka Kismaayo ciidamada dawladda federaalka ah ee soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com