Kismaayo(AGGM) Waxa galabta garoonka diyaaradaha Magaalada kismaayo ka soo degay laba diyaaradood oo ka soo duulay Magaalada Garoowe, Diyaaradahan ayaa ah kuwo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed isla markaasna laga soo kireystey wadanka Kiiniya,waxaana la sheegaya inay saanad hub ka soo qaadeen magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Maamulka Puntland ayaaa la sheegayaa inuu qayb ka yahay kooxaha tageera Kooxda Argagixisada ah ee Raaskambooni oo gacan ka helaya kuwa Dawlada kiiniya,waxaana la shaacinaya inay u diyaar garoobayan dagaalo ka dhan ah Col Bare Hiiraale oo wacad ku maray inuu dib ugu soo laabanayo magaalada kismayo isla markaasna uu la wareegi doono.
Saanaddan mileteri ayaa lagu tilmaamay inay qayb ka tahay Barakicinta iyo dhiig daadinta shacabka soomaaliyeed,waxaana Maamulka Puntland qayb muhiim ka yihiin dhibaatada ka taagan magaalada kismaayo iyadoo arrintaasi tahay mid aad uga careysisay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka soomaaliya.
Maamulka Faroole mahan markii ugu horeysay ee uu sanaad mileteri u soo diro Jabhadda Raaskambooni,waxaana bishi la soo dhaafay sidoo kale uu saanad mileteri ugu keenay Jabhadda Raaskambooni,waxaana saanadaasi loo qaybiyey kooxda Raaskambooni taasi oo keentey in dagaalku qarxaan.
Ugu dambeyntii Maamulka Faroole ayaa dhibaato xoogan ku wada gobollada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana arrintaasi keentey in shacabka soomaaliyeed gacmaha is qabsadaan isla markaasna ay dagaal culus la galaan ciidamada dawlada kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni inkastoo kiiniya qalabkeeda dhawaan ka guran doonto Magaalada kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com